Mogadishu: Banaabaxyo ka socdo Stadium Koonis (Sawiro)

Waxaa Garoonka kubbada Cagta ee Koonis ku sugan kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa wata calanka Soomaaliya, astaanka degmada ay ka socdaan iyo boorar ay ku xardhan yihiin taageerada banaanbaxooda.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan lagu daadiyay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa garoonka kubbada cagta ee Koonis.

Masuuliyiinta ugu sareyso dalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan banaanbaxyada maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa taageersan waxqabadkii mudada 100 maalmood ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hoos ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here