Mogadishu: 2 Askari oo Ka Dambeeyay Dilka Wasiir Siraaji Oo Maxkamad La Soo Taagay

Maxkamada ciidammada qalabka sida ayaa saaka u fariisatay markii ugu horeysay dacwad ciqaab ah oo loo haystay 2 nin oo lagu eedeeyay inay dileen Wasiirkii howlaha guud ee xukuummada Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Labadaan Askari ayaa ilaalo u ahayd Hanti Dhawrahii qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, waxaana la sheegay in ay dileen Wasiirka, ka dib markii gaari uu la socday uu ku soo dhawaaday gaari kale oo uu watay Hanti Dhawraha.

Cabaas Siraaji oo ahaa wasiir da’yar ayaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil.
Xigasho Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here