Modric oo ugu danbeyn kadagay Madrid Sawiro

Kadib muran badan iyo isqabqabsi udhaxeeyay maamulayaasha labada naadi ee Realmadrid iyo Tottenham,ayaa ugu danbeyntii naadiga Real waxa uu si rasmi ah ula wareegay xidiga reer Croatia Luka Modric,kaasoo lagu wado inuu Real kulumada ugu soo horeeyo uga ciyaaro.

Kusoo biirista luka Modric ee Realmadrid waxay albaabada ufuri doontaa in Kaka uu daydaydo naadi kale,iyadoo lahadal haayo In Milan ay marlabaad dooneeyso ineey kuceliso garoonkii uu shacbiyada badan kulahaa.

Mourinho dhib badan ayuu usoo maray helida Modric,waayo waxaa doonayay naadiyo waaween sida Chelsea,Man utd iyo Man city.

Waxaa xusid mudan in Tottenham ay sanadii hore Chelsea kadiiday ineey 49 Milion kasiiso Modric,balse ay hada qiimo intaas aad uga yar kaga iibisay Realmadrid,waxaana lagu micneen karaa taas in Tottenham ay Chelsea u aragtay cadaw daris la ah laakiin Real ay tahay mid kadhisan horyaal kale.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay Muxuu Modric kusoo kordhin karaa Rael oo xalay guuldaro xanuun badan kasoo gaartay naadiga Gatafe tiiyoo ay usii dheertahay guuldardii 3/2 ahayd ee ay Barcelona kusoo garaacday koobka Supoer Cup-ka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here