Modric oo si rasmi ah ugu biiray Real Madrid

Luka Modric ayaa kama danbeysti waxa uu kamid noqday kooxda Rael Madrid, kadib markii ay real iyo Tottenham isku afgarteen in laacibkaan uu 36m oo Euro ugu dhaqaaqo naadiga kadhisan caasimada Spain ee Realmadrid.

Tottenham ayaa markii hore ka dhaga adeegeeysay qiimaha ay Real usoo bandhigtay oo ahaa 35m, waxayna Spurs-ku ku doonayeen laacibka reer Croatia qiimo dhan 45m.

Ku biirista Modric uu ku biiray Realmadrid waxay niyad jab ku noqon doontaa laacibiinta kala ah, Kaka iyo N.sahin oo awalba boos joogta ah kahaysan naadiga,waxayna ku qasbi doontaa ineey isaga tagaan Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here