Mo Farah oo ku guuleeystay tartanka orodka 10,000m{sawiro}

Orodyahanka caanka ah ee reer soomaaliyeed balse haysta dhalashada wadanka ingiriiska “Mo Farah” ayaa cawada noqday horyaalka dunida ee orodka 10,000 ee mitir,isagoo ka ilmeeysiiyay kumanaan taageerayaal British ah oo daawanayey kuwaasoo farxada ay kabadatay.

Mo Farah, waxa uu la tartamayay ciyaaryahano looga danbeeyo xaga orodka,oo ay kamidyihiin orodyahanada reer Kenya,iyo Ethiopia,kuwaasoo badanaa looga cabsi qabay ineey qaadaan tartankan.

Waxaa ciyaarta daawanayay qaar katirsan boqortooyada ingiriiska kuwaasoo usacaba tumay markii uu soo gaaray diilinta ugu danbeeysa ee tartanka.

Mo Farah ayaa waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee GB usoo hoya biladda dahabka ee tartanka orodka 10,000 oo mitir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here