Mo Faarax oo guulo ka soo hoyay tartan ka socda New Orleans

Ciyaaryahanka Oradada ku caanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya Maxamed Faarax oo loo yaqaan Mo Faarax ayaa guulo ka soo hoyay tartan oradka ah oo ka dhacay magaalada New Orleans ee dalka Maraykanka.

Tartankan oo ah Half Marathon ayaa waxaa uu Mo Farah ku guuleestay labo biladood oo ah Double Olympic.

Ciyaaryahankan oo ciyaara dalka Ingiriiska ayaa ku guuleestay tartanka 5,000 iyo 10,000 ciyaarihii ka dhacay magaalada London ee Olombikada, waxaa uu ku guuleestay markii uu ku orday hal saac ama 59-daqiiqo.

Sidoo kale waxaa tartanka Oradka guulo ka keenay ciyaaryahanka reer Ethiopia ee Merest Defar oo ku guuleestay 5,000 tartankii London, waxaa uu ku orday 1:07-daqiiqo iyo 25-minit.

Maxamed Faarax ayaa hadda waxaa u dhiman in uu ku guuleesto tartanka ugu dambeeya oo ah 200 meters oo ka dhacaya deeganka Gebremariam, oo ah New York City Marathon champion, kaligiisa ayaa ordi doona.

Defar ayaa daqiiqado badan ka horreeyay odarad yahanka reer Maraykan ee Shalane Flanagan, oo ku ordaayay 10,000-meter waxaana uu ku guuleestay tartankii Beijing Games.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here