Miyuu Ugaas Xasan ka qeyb galayaa Caleemo saarka Madaxweynaha HirShabeelle?

ugaaskaUgaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo noqday ninka kaliya ee kasoo horjeeda Maamulka cusub ee HirShabeelle, ayaa lagu soo waramayaa ineey socdaan dadaalo looga qeyb gelinayo caleemo saarka Madaxweynaha maamulka HirShabeelle.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeedo Hiiraan, ayaa lagu soo waramayaa ineey wadaan dadaalo xoogan oo Ugaaska lagu qancinayo inuu aqoonsado maamulka islamarkaasna uu ka qeyb galo Caleemo Saarka Madaxweyne Cosoble.

Ugaaska oo markii haystay taageero xoogan, ayaa hada kaligiis kusoo haray magaalada Baladweyne iyadoo xubnihii garbihiisa ahaana ay ka qeyb galeen shirkii Jowhar ee lagu doortay maamulka HirShabelle.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu waday in magaalada Jowhar ay ka dhacdo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha HirShabeelle, balse waxeey u baaqatay arrimo farsamo iyo waanwaanta lagula jiro Ugaas Xasan taasoo ka socota magaalada Baladweyne.

Ilo ku dhowdhow Ugaaska ayaa xaqiijinaya ineey u badantahay in markaan uu taageero maamulka ay dhisteen dadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ugaaska uu wado shuruudo ay ka mid yihiin in Xildhibaanada Hiiraan ka imaanaya lagu soo xulo Jowhar, isla markaana loo madax banaaneeyo.

ugaasyada-gobolka-by-radio-hiiraanweyn-1

Sidoo kale Ugaaska ayaa diidan in Xildhibaanada uu soo xulayo uu ku lug lahaado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana shuruudahan lagu wadaa inuu hor-dhigo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo saacadaha soo socda ku wajahan Beledweyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ugaaska uu sidoo kale doonayo inuu galaan-gal ku lahaado xubnaaha Aqalka sare ee ka imaanaya Gobolka Hiiraan.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo waddooyinka la xiray, isla markaana ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaasoo u sheegay inuu taageero ka helo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here