Minnesota: Maxkamad 35 iyo 30 sano ku xukuntay 2 Wiil Soomaali ah oo isla dhashay (Dhagayso)

SOOMALI,MINNESOTAMaxkamadda ayaa 35 sano ku xukuntay Guleed Cumar oo 22 jir ah, halka Abdirahman Daud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.

Saddexdani wiil ayaa beeniyay dambiga lagu eedeeyay, balse caddeymo iyo markhaatiyo ka dib ayay maxkamadda xukunkaasi ku ridday.

Guuleed ayaa noqonaya qofkii ugu xukunka dheeraa sagaal wiil oo Soomaali ah oo maalmahan xukunno kala duwan lagu riday. Hooyadii taagnida ayay ka dhacaday waxaana loola cararay Cisbitaalka.

2016111763614942883814792120161116636149086414829654be4dbd-20161115-isis02

Dacwadaha oo dhageysigoodu soo socday 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhallinyaradaa waxaa lagu xukumay min hal sano ilaa 35 sano oo xarig ah.

Wiilasha la xukumay:

  • Guuleed Cali Cumar-35, sano oo xarig ah
  • Maxamed Cabdixamiid Faarax, 30 sano oo xarig ah
  • C/Raxmaan Yaasiin Daauud, 30 sano oo xarig ah
  • Cadnaan Faarax, 10 sano oo xarig ah
  • Xamza Cumar (wiilka Oromada ah), 15 sano
  • Cabdirisaaq Warsame, 30 bilood oo xarig ah
  • C/Laahi Yuusuf, 1 sano oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo dhaqdhaqaaqiisa lala soconaayo.

Haddaba weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa la kulmay Farxiya Faarah Maxamed iyo Ayaan Faarah oo ah hooyooyinka dhalay wiilasha min 30-ka sano lagu xukumay, waxa uuna ku hormaray Ayaan Faarah oo uu weydiiyay dareenkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here