Minneapolis :Soomaali ku dhaawacantay dhismo dab qabsaday

Dhismaha gubtay ee ku yaalla Minneapolis (Photo: KARE)
Dhismaha dabka qabsaday ee ku yaalla Minneapolis (Photo: KARE)

Sida ay qortay maanta oo Khamiis ah Shabakadda www.kare11.com oo ka soo baxda magaalada Minneapolis ee gobalka Minasota, waxaa ku dhaawacmay 14-ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ku jiray dhismo dabaq ah oo dab qasaday saacadu markii ay ahayd 8:15 a.m. ee Sannadka cusub.

Lix ka mid ah dadkan ayaa la sheegay xaaladooda in ay aad u xuntahay, waxaana isbitaalka sida ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan xaafada uu dabka qabsaday.

Dabka ayaa la sheegay in uu baabi’iyay dhismo dabka uu lahaa balse sarkaal u hadlay waaxda dabdamiksa magaalada Minneapolis, John Fruetel wuxuu sheegay in dhismaha dabaqa oo ka koobnaa 20 in qaar ka mid ah uu dabka qabsaday, wuxuuna intaas ku daray in dhammaan dadka wax ku noqday loo oo saaray bannaaanka markii ay goobta tageen.

Fartun Ahmed waa dadkii ugu horreeyay ee tagay goobta waxa ay sheegtay in ay aad u walwasaneed markii ay aragtay dabka xoogiisa iyo khasaaraha ka dhashay oo yer, waxaa ay intaas ku dartay dabka in uu baabi’iyay masjid ku yiilay goobta.

Waxaa hadda socda baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa dabka qabsaday dhismaha in kastoo hadda lagu guuleestay in dabka la damiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here