Milatariga Masar oo u digay Madaxweyne Mursi

Golaha Milatariga dalka Masar ayaa u digay madaxweyne Mohamed Mursi kadib marki uu amray in dib uu u furmo kalfadhiga baarlamaanka la kala diray.

War kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in go,aanki Maxkamada Sare ee lagu kala diray baarlamaanka inuu sidiisa u taagnaado, balse warkaasi uma cuntamin madaxweynaha oo baarlamaanka maanta ayuu fariisanayaa.

Milatariga ayaa bishi hore xiray xarunta baarlamaanka, inkastoo haatan warka kasoo baxay kadib uu milatariga muujiyey dabacsanaan isaga oo ciidamada ka qaaday albaabka guriga baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa maanta gudoomin doono kulan uu yeelan doono baarlamaanka kaasi oo ay soo dhaweeyeen kumanaan kun oo ruux oo dibadbaxyo ka sameeyey fagaraha Taxriir.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinta Masar oo inta badan heysta aqlabiyada baarlamaanka ayaa ku baaqay dibad baxa maanta in laga dhigo hal milyan oo ruux si loo taageero kulanka baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.