Milatariga Keenya oo baadigoobaya 2 Sarkaal oo ay Al-shabaab afduubteen

Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya Devid Cameyo, ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga wadankaa, ay ku biireen howlgal lagu doonayo in lagu soo bad baadiyo 2 sarkaal oo gacanta ugu jirta xarakada Al-shabaab, kuwaasoo lagu qafaashay weerar habeen hore ka dhacay saldhigyo ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaano ku yaala xuduudka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Cameyo, waxa uu sheegay in labadaas sarkaal Al-shabaab gacanta u galeen, ayna lasocdaan dhaqdhaqaaqyada goobaha ay la aadeen, waxaana uu muujiyay in labada sarkaal ay weli yihiin kuwo nool.

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata, ayaa muujiyay sida ay uga walaacsanyihiin sii socoshada dilka ay Al-shabaab kula dhaqaaqeyso muwaadiniinta wadanka Kenya, waxaana uu kenyata arimahaas si hoose kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, intii uu soconayay kulanka madaxda midowga Afrika, oo todobaadkaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kenya ayaatan iyo markii ay Ciidamadeeda gudaha usoo galeen Soomaaliya, daba yaaqadii 2011, waxay la kulmeeysay weeraro iyo dilal isdaba jooga ah, kuwaasoo kaga imaanayay xarakada Al-shabaab oo iyaga wacad ku maray ineey Kenya ka aargudsan doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here