Milan oo diiday dalab €60m oo Bacca laga soo gudbiyay

Carlos Bacca
Carlos Bacca

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in bishii Janaayo marka uu suuqa Yurub furnaa aduun lacageed oo €60m gaarayo miiska loo soo saaray si ay weeraryahankeeda Carlos Bacca lacagahaas ugu badalato.

Maamulka Milan ayaa iska diideen lacagahan aadka u fara badan inay Bacca dhaafsadaan balse Milan saxaafada uma sheegin naadiga miiska usoo saartay lacagaha €60m gaarayo.

Carlos Bacca xili cayaareedkii hore ayuu kooxda AC Milan kaga soo biiray naadiga Sevilla wuxuuna xidigan si wacan ula qabsaday Serie A-da Talyaaniga asigoo haatan Milan ka caawinaayo inay safka hore soo tiigsato.

Shabakada ItaSportPress ayaa sheegtay in Milan ay iska diiday dalabyo kasoo gaaray kooxaha Real Madrid iyo Chelsea sidii Carlos Bacca looga iibin lahaa.

Waxaa la wada dhowri doonaa sida ay xagaagan Milan Bacca u ceshan doonto gaar ahaan hadii ay kooxdan ku guul dareesato inay xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub usoo baxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here