Milan oo beenisay warka sheegaya in Pato uu ku biirayo PSG

Gudoomiyaha kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa rabish ku tilmaamay warka sheegaya in weeraryahankooda Alexandre Pato uu ku biirayo kooxda  reer France Paris Saint-Germain.

Wargeyska RMS Sport ayaa maanta shaaciyey in ay socdaal wada hadalo u dhaxeeya maamulka cusub ee kooxda PSG iyo wakiilka Pato si loogaga keeno kooxda Milan, waxaa kale oo ay wararku sheegayeen in PSG ay ku raadineyso Pato lacag dhan €50 million.

Pato oo lagu naaneeso (Bool-Boolada) ayaa ah 22 jir u dhashay dalka Brazil waxaa goor hore oo maanta ay warbaahinta isla dhax mareysay inuu heshiis afar sano ah u saxiixayo kooxda PSG.

Wararka la isla dhex marayey ayaa sheegayey in tababarihi hore ee Milan Carlo Ancelotii oo keenay Milan sanadki 2008 inuu hada rabo inuu horay usii kaxeysto maadaama loo magacaabi rabo macalinka kooxda PSG.

Laakin warkaasi oo dhan waxaa tuuray oo beeniyey Galliani oo ah 67- si weyn saameyn ugu leh Milan, isaga oo sheegay inasayn jirin sabab uu Pato u aado PSG ama uu uga tago Milan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.