Milan oo 4 dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Talyaaniga

Kooxda AC Milan ayaa dheereysatay hogaanka horyaalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 2-0 kaga awood roonaatay kooxda Lecce halka kooxda kusoo xigta ee Juventus ay bareejo goolala la,aan ah la gashay  Genoa.

Guusha ay gaartay Milan ayaa ka dhigan in ay haatan 4 dhibcood oo nadiif ah ka sara martay Juventus oo afarti kulan ee ugu danbeysay bareejo keeneysay horyaalka, Milan waxay leedahay 57 dhibcood halka juve ay heysato 53.

Dhanka kale maamulka kooxda Juventus ayaa ku amray dhamaan xubnaha kooxda in ay qaadacaan warbaahinta oo aysan wax war ah siinin.

Taasi waxay kaga cabanayaan go,aanada garsoorihi shalay oo ay ku sifeeyeen nin ka eexday kadib isku dayo laga diiday.

Kooxda Bianconeri ayaa waxa laga diiday gool ay dhaliyeen qeybti labaad ee ciyaarta markaasi oo uu Simone Pepe loo sheegay inuu offside ku jiray.

Ciyaaraha kale ee horyaalka Talyaaniga kooxuhu waxay isu arkeen sidan:

AC Milan    2 – 0    Lecce
Atalanta    1 – 1    Parma
Catania    1 – 0    Fiorentina
Cesena    0 – 2    Siena
Genoa    0 – 0    Juventus
Lazio    1 – 3    Bologna
Novara    1 – 0    Udinese.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.