Milan maxaa xalay ka qabsaday New Camp Warbixin & Sawiro

Naadiga Barcelona ayaa xalay warega 8 ujartay warqadii loogu gudbi lahaa, kadib markii ay xalay guul weyn ka gaareen dhigooda Ac-milan, iyagoona uga adkaaday sad gaaraya 4/0, Ciyaar xalay ka dhacday garoonka Camp New, iyadoo la wada xasuusto in lugtii hore ay Milan kusoo adkaatay 2/0.

Ciyaartoyda Barcelona, ayaa qaybtii hore ee Ciyaarta oo dhan ahaa kuwo iska maamulanayay kubadda dhanwalbo, weerarka, difaaca, iyo qadka dhexeba, waxaana daqiiqadii 39-aad wiilka mucjisada ah u suurtagashay inuu meel kabaxsan xaruunta ganaaxa kubad si xirfadeysan uu uga soo laaday dhex dagto goolka uu ilaalada kahayay Abiati.

Daqiiqadii 7-aad ee Ciyaarta ayaa Fircoonka reer Milan Steven Elsheraawi waxa uu lumiyay fursad aad qaali u ahayd oo ka badbaadiyay goolhaye Valdes, sidoo kale daqiiqadii 19aad ayaa Iniesta kubad xoogan uu kasoo laaday meel banaanka ah diilinta ganaaxa waxaa si dhibleh ku badbaadiyay Abiati, waxyar kadib waxaa sidoo kale goolka Milan kubad xoogan ku tuuray Xavi, lakin Abiati aya markale suuragaliyay inuu banaanka u saaro kubadaas.

Daqiiqadii 38aad ayaa wiilka reer France, ee Milan u ciyaara Niang waxa uu helay fursad qaali ahayd oo haduu dhalin lahaa Barcelona niyada kajabin lahaa ciyaartana kadhigi lahaa 1/1, laakiin waxa uu ku garaacay birta, isla daqiiqadaas Leo Messi ayaa isla qaabkii uu udhaliyay goolkii 1aad udhaliyay mid 2aad, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2/0, wadarta cel celiskana kadhigay (2/2), sidasna Ciyaarta haday ku dhamaan lahayd waxaa loo baahan lahaa in lagu kala baxo gool ku laad.

Qaybtii 2aad:  

Barcelona ayaa markale soo gashay garoonka,iyagoo maanka ku haya ineey helaan gool 3aad uguna gudbaabn wareega 8da, iyadoo Messi markale uu ku sigtay inuu gool sadexad kadhaliyo Milan, laakiin uma suurta galin.

Daqiiqadii 55aad ayaa wiilka dahabiga ee Spain Devid Villa, baas qurxan uu kahelay saaxiibkiis Xavi si qurxan lugtiisa bidix gool ugu badalay isagoona ciyaarta kadhigay 3/0.

Allegri, oo markaan dareemay in Qatar kusoo foodleedahay, ayaa ciyaarta soo galiyay daqiiqadii 60aad weeraryahanka reer Brazil Robinho iyo Suley Ali Montari, iyadoo Flamini uu mar isku dayay inuu gool kadhaliyo Valdes, laakiin daafacyada Barcelona ayaa diiday arintaas.

Laakiin wax walbo waxaa soo afjaray Jodi Alba, oo daqiiqadii 92aad Milan ka dhaliyay goolka 4aad ee ciyaarta, waxaana Milan ay ka quusatay ineey gool xitaa xalay ku dhaliso Camp New.

Sirta ka danbeysay guusha Barcelona:

Marka ad si fiican u daawato Ciyaartii xalay, waxaa kuu soo baxaya in Ciyaaryahanada (Xavi, Messi, Iniesta) ay ahaayeen kuwo si fiican iskula jaanqaaday, iskuna fahmay, kuwaasoo xalay ahaa furaha sirta guusha Ac-milan.

Ciyaarihii ugu danbeeyay ay Barcelona ciyaartay islamarkaasna guuldarooyinka xig xigay ay baday Realmadrid, majirin Isfahan u dhaxeeyay 3daan laacib, laakiin xalay waxay u muuqdeen kuwo iskula soo dardaarmay ineey guul ka gaaraan Milan, waana u suurtagshay.

Afartii goo lee xalay, waxaa ladhihi karaa waxaa furo u ahaa 3daan ciyaaryahan, iyo baasaska sixirka ah oo ay dhiibayeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here