Milan 1-1 Juventus

Kooxda Juventus ayaa hal dhibic oo muran weyn dhalisay kala soo laabatay garoonka San Siro ee magaalada Milano kadib marki ay xalay marti ugu noqotay kooxda AC Milan.

Ciyaarta oo kooxdi badin laheyd loo saadaalin lahaa in ay qaadi doonto horyaalka ayaa waxa si aad ah ugu gacan sareysay kooxda Milan oo marti loo ahaa.

Milan oo uu ka maqnaa hogaamiyahooda Zlatan Ibrahimovic ayaa muujisay inay yihiin koox aanan ku taagneyn hal laacib balse ah naadi isku xiran kadib marki ay soo bandhigeen ciyaar kalsooni ay ku dhisneyd.

Juventus oo aanan 24 ciyaarood dhinacooda dhulka la dhigin xilli ciyaareedkaan ayaa ku tashatay in ay is difaacdo iyada oo xitaa dhowr jeer qatar gelisay shabaqa Milan.

Goolka waxaa la hormartay Milan waxaana u saxiixay daqiiqadi 15-aad Antonio oo shuut xoog leh ku tuuray goolka uu waardiyeynayey Gianluigi Buffon kadib marki uu qalday Bonucci.

Milan waxay ka dhigtay ciyaarta 2-0 daqiiqadi 25-aad, hase yeeshee goolkaasi oo dhaafay shabaqa isla markaana uu soo celiyey goolhaye Buffon waxaa diiday garsooraha oo amray in ay ciyaarta sii socoto.

Waakan sawirka goolka laga diiday Milan

Goolka waxaa saxiixay Suley Ali Muntari waxaana marki ay dabaal dageen xidigaha Milan kadib lagu sigay in gool laga dhaliyo, waxaana bilowday muran.

Qeybti hore sidaasi ayaa lagu kala nastay, waxaana caro darteed garoonka uga baxay Agaasimaha Guud ee Milan Adriano Galliani oo qolka garsoorayaasha ugu tagay garsoorihi dhex dhexaadinayey waxaana muran kadib uu dhiiga ku kacay Galliani oo sida la sheegay qabo xanuunka dhiig karka.

Qeybti labaad ee ciyaarta ayey Juventus heleen gool oo uu dhaliyey Alessandro Matri daqiiqadi 83-aad, kaasi oo isna keenay muran marki ay ciyaartooyda Milan ku sifeeyey inuu ahaa Offside.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Juventus laga siiyey kaarka cas ciyaaryahankada qadka dhexe Arturo Vidal Pardo, halka Pepe uu isna ku sigtay.

Waxaa isna laga yaabaa in la ganaaxo daafaca Milan Maxes oo feer ku dhiftay ciyaartooy ka tirsan Juventus inkastoo uusan garsooraha arkin.

Natiijadaasi waxay ka dhigeysaa in hanashada horyaalka Talyaaniga aanan la saadaalin karin iyadoo uu u dhaxeeyo haatan Milan iyo Juve, AC Milan waxay ku hogaamineysaa horyaalka 51 buundo, waxaa kusoo xigto Juve oo leh 50 dhibcood iyadoo uu u harsanyahay kulan kale.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.