Miinooyin laga soo bixiyey gudaha degmada Balcad


Maamulka degmada Balcad ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo faagaan miinooyin la geliyey gudaha iyo banaanka degmada Balcad.

Daa,ud Xaji Cirro oo ka mid ah mas,uuliyiinta maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen ay kusoo bixiyeen miino ku jirtay jidka laamiga ah ee galo magaalada Balcad.

Sidoo kalana ay isla maanta ka bixiyeen miino lagu aasay mid ka mid ah xaafadaha degmadaasi kadib marki ay dad kusoo wargiliyeen in halkaasi ay qatar ka jirto.

“Waxaan ku guuleysanay in aan si nabad ah ku bixino miino ay kooxaha nabad diidka ah ku aaseen laamiga dheer, sidoo kale  ciidamada xooga dalka ayaa iyana ka bixiyey gudaha degmada Balcad miino la dhigay,” ayuu yiri.

Shalayna ciidamada amaanka ayaa qabtay gaari ay saarnaayen walxaha qarxa kaasi oo lagu qabtay darawalki waday baabuurka la qabtay.