Miino rag Shabaab ka tirsan kula qaraxday Magaalada Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in sadex nin oo aasayey miino ku dhinteen qarax xoogan oo laga maqay degmadaasi.

Qaraxa oo dhacay saakay aroorti hore ayaa ka danbeeyey marki ay la qaraxday sadex nin oo doonayey in ay miino ku aasaan bartamaha degmada, waxaana meydkooda laga helay halki ay rabeen in ay dhigaan qaraxa.

Goobjoogayaal diiday in magacooda lasoo xigto ayaa sheegay in lagu arkayo god weyn oo la qoday iyo meydadka sadex ruux iyo qalabka lagu faago dhulka gudaha magaalada Ceelbuur.

Saraakiisha Ahlu Sunna oo ka hadlay qaraxa ayaa ku tilmaamay mid lagu doonayey in lagu waxyeeleeyo dadka reer Ceelbuur balse ay ku dhinteen dad ay ku tilmaameen dhagar qabayaal.

Maalin ka hor ayey aheyd marki sidaan oo kale ay miino kula qaraxday jidka Sodonka ee Magaalada Muqdisho qof rabay inuu miino aaso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.