Miino ku qaraxday gaari ay la socdeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab

Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay miino ku qarxiyeen gaari ay la socdeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab meel aad ugu dhaw degmada Ceelbuur.

Xasan Cabdi Biyo Qaboobe oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay in baabuur kuwa dagaalka ah oo ay saarnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ay ku jireen laba mas,uul.

Wuxuu sheegay in ay ku dhinteen afar ruux oo uu ku jiray gudoomiyihi Al Shabaab ee magaalada Xarardheere Xasan Cali Dheere iyo taliyihi ciidamada ee degmada Ceelbuur, kadib marki ay miino la kacday baabuur ay la socdeen oo marayey deegaanka Habaasweyne oo 25 u jira Ceelbuur sida uu hadalka u dhigay.

“Gaari ay saarnaayeen dagaalyahano ka tirsan Khawaarijta oo marayey meel u dhaw Ceelbuur ay miino kula qaraxday wadada, waxaa nagu maqaala ah in ay ku dhinteen afar ruux oo ku jiro taliyihii Ceelbuur iyo Ceelgaras,” ayuu yiri.

Ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo xaqiijinaya ama beeninaya qaraxa ay sheegeen Ahlu Sunna in ay la beegsadeen baabuurkaasi.

Hase yeeshee Ahlu Sunna ayaa gacanta ku heyso inta badan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.