Midowga Yurub oo tababarayaal ciidan Muqdisho u soo diraya

Brussels (dpa) –Sida ay qortay wakaalada wararka dalka Germalka ee DPA, Midowga Yurub ayaa tababarayaal ciidan waxa ay u soo dirayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay midowga yurub ayaa sheegay in ay ka go’antahay siddii ay tagi lahaayen magaalada Muqdisho oo ah magaalo caan ku ah dagaalada, laakin hadda ka soo kabaneysa arrintaas.

“Waxaan rabnaa in xilliga ugu dhaqsiyaha badan aan u gaarno magaalada Muqdisho oo hadda ah meel ammaan ah oo nabad ah,” sidaas waxaa yiri General Gerald Aherne.

Sarkaalkan oo u dhashay waddanka Irish-ka waxaa uu sheegay in howasha daad gureenta ciidamada uu ku xiran yahay marka uu saamaxo inay yaalaan magaalada wax kasta oo fududeen lahaa howasha sida caafimaadka iyo qalabka lagu tababaraayo ciidanka Soomaalida l.

Si kastaba ha ahaato, Midowga Yurub dhowr jeer ayey waddanka Uganda gaar ahaan deegganka Bihanga waxa ay tababar ku siiyeen illaa 3,000 oo askar Soomaali ah, kuwaasoo la doonaayo in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo soo celinta nabadda dalka Soomaaliya.

Bishii September, ee sannadkii horre, waxaa dalka Soomaaliya ka dhacday doorashadii ugu horreysay muddo ka badan 20-sanno, taasoo keentay in waddamo badan oo caalamka ku yaalla ay ku dhiiradaan in ay soo aadaan magaalada Muqdisho.

Dhammaadka sannadkan, shir looga hadlaayo heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub oo ku aadan arrimaha ammaanka iyo siyaasadda ayaa ka dhacaya magaalada Brussel.

Xigasho dpa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here