Midowga yurub oo shuruud ku xiray taageerida doowlada Soomaaliya

Midowga yurub oo shalay ku dhawaaqay ineey taageerayaan doowlada Soomaaliya islamarkaasna ay maalin galin ku samayn doonaan Soomaaliya ayaa daba dhigay shuruudo adag ineey fuliyaan balankaas.

Midowga Yurub ayaa doowlada Soomaaliya ubalanqaaday lacag dhan 158 milyan oo EURO.

Midowga yurub ayaa bixinta lacagtaas ku xiray in la fuliyo lix qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah.

1-Horumarinta maamul wanaaga.

2-Xoojinta amniga guud ahaan dalka Soomaaliya.

3-Kor uqaadida wax barashada.

4-Kobcinta dhaqaalaha dalka.

5-Dib udhiska Garsoorka.

6-Iyo abaabulida doorasho madax banana oo cadaalad ah.

Midowga yurub ayaa hadaba doowlada Soomaaliya usheegay ineey xoojiyaan arimahaas aan kor kusoo xusnay islamarkaasna ay ku guuleeysan karto iyadoo adeegsaneeysa lacagtaas 158 milyan ah.

Tan iyo markii lasoo dhisay doowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ayaa beesha caalamka waxay u muuqdeen kuwo usoo jeestay taageerida Soomaaliya, iyadoona madax farabadan oo caalamka katirsan ay booqasho ku’imaanayaan Muqdisho kuwaasoo doowlada u balanqaaday maalgashi iyo taageero dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here