Midowga Yurub oo safiir cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Cervone De Urso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo taageerada Midowga Yurub ay siiaayaana dowladda Soomaaliy

Mudane C/laahi Xaaji Xuseen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la hadlay  saxaafadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya.

Sidoo kale Cervone De Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo isaguna waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in loo soo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,.

Safiirkan uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka gudoomay warqadihiisa aqoonsiga ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey ee ay Midowga Yurub usoo magacaabaan Soomaaliya 21sano kadib kaasi oo isagu si rasmi ah Muqdisho uga howlgala.

 


 


 


 


 


 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here