Midowga Yurub oo Puntland ka taageeraya dhanka waxbarashada {Warbixin}

Wafdi kasocda midowga Yurub “EU” ayaa isbuucan bilowgiisa waxay booqdeen magaalada Garowe oo ah xaruunta maamul goboleedka Puntland, wafdigaan ayaa kulumo la qaatay wasiirka waxbarashada iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ee nPuntland.

Kulanka wafdiga iyo wasiirada ayaa dhacay maalinimadii Khamiista aynu soo dhaafnay, waxaana midowga Yurub ay dowlada Puntland u ballan qaadeen ineey gacan kasiin doonaan kobcinta dhinaca waxbarashada.

Booqashada wafdigaan ayaa salka ku haysay arimo laxiriira mashruuc loogu magic daray “wax barashadu waa Iftiin” kaasoo ay kala saxiixdeen masuuliyiinta Puntland iyo midowga Yurub.

Mashruucan ayaa sida warbixinta lagu xusay waxa uu qaadan doonaa 3 sano,w axaana ku bixi doona qarash lagu qiyaasay 7.5 million euros.

Sidoo kale mashruucaan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona Arday iyo Macalimiin lagu qiyaasay 21,000 oo arday ilaa iyo inta laga gaarayo sanada 2015-ka.

Mashruucan ayaana bilaaban doona sida la qorsheeyay bishaan fooda inagu soo haysa.

Midowga Yurub, ayaa hada wada qorshe ballaaran oo ay ku maalgashanayaan Soomaaliya, waxayna ballan qaadeen in 2013-ka ay Somaliya siin doonaan lacag dhan $200 million dollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here