Midowga Yurub oo mushaar dhimis ku samayn doona Ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Bardaale
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Bardaale

Si cadaadis loogu saaro Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza inuu aqbalo wada xaajoodyada lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas, ayaa midowga Yurub waxay qorsheeynaayaan ineey mushaar dhimis ku sameeyaan ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya, islamarkaasina qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Diblomaasi ka tirsan Midowga Yurub oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan sii socon karin taageerada ay siiyaan Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM ayaa waxaa uu askari kasta bishii u qaataa 1,000, iyadoo la sheegay in dowladda Burundi ay askari kasta ka jarato $200 oo dollar bishii.

Askarta Burundian ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM waxa uu midkiiba haatan mushaar ahaan bishii u qaataa $1,000 Dollar, inkastoo ay Dowladda Burundi ka jarto Askari kasta $200 oo dollar bishii.

Burundi ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya illaa 5,400 askari, waxaana ciidamadaas ku tiirsan yihiin kaalmo dhaqaale oo ay bixiso Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa horay u jaray kaalmada dhaqaale ee ay siin jireen Burundi, kadib markii Madaxweyne Peirre Nkurunziza uu mar saddexaad isu soo sharaxay doorashada madaxtinimada, isla markaana markii dambe ku guuleystay.

Qalalaaso ayaa ka jiray dalka Burundi tan iyo bishii April ee sanadkii hore, markii uu Madaxweyne Nkurunziza sheegay inuu mar saddexaad isa soo sharaxayo, iyadoo uu wax ka bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas oo markii hore dhigayay in aanu labo jeer ka badan isa soo sharixi karin.

In ka badan 400 oo ruux ayaa ku dhintay qalalaasaha ka jira dalka Burundi, waxaana bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay Caasimada Bujumbura oo noqotay caasimadaha ugu amni darada badan ee ay dilalka iyo rabshadaha ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here