Midowga Yurub oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda Nobel Peace Prize ee 2012

Guddiga bixiya abaalmarinta Nobelka ayaa ku dhowaaqay in ururka Midowga Yurub uu ku guuleytey abaalmarinta Nabadda ee sanadkan 2012.

Madaxa guddiga Thorbjoern Jagland ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lixdankii sano ee la soo dhaafay ka shaqeeyey sidii uu u horumarin lahaa nabadda qaarada Yurub.

Abaalmarintan ayaa ururkii ugu dambeeyey eek u guuleysta uu ahaa Dhaqaatiirta aan xuduuda Lahayn oo ku guuleysatay 1999.

Madaxa guddiga Nabada Thorbjoern ayaa xusay in ururka midowga Yurub uu haysto dhibaato xagga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba.

Balse waxa uu ku tilmaamay ururka mid ka shaqeeyey lixdankii sano ee la soo dhaafay arrimaha nabada iyo dib u heshiisiinta, dimuqraadiyada iyo xuquuqul Insaanka.

Madaxweynaha ururka Midowga Yurub Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in ururka Midowga Yurub oo ay hoos yimaadaan shan boqol oo malyan oo ruux ay ku guuleystaan abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay abaalmarintan sanadkii 2009.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here