Midowga yurub oo dhimay dhaqaalihii uu siin jiray AMISOM

10-13-2014AMISOM_SNAMadaxa howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay qiimo dhimis 20% oo uu Midowga Yurub ku sameeyay bixinta musharahaadka ciidamada Amisom.

Qiimo dhimistaan ayaa bilaabatay sanadkaan, sida uu Golaha ammaanka u sheegay Francisco Caetano José Madeira, oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay arrintaan inay sababteeda leedahay hoos u dhaqaale oo ku yimid wadamo badan oo kuyaala Afrika, iyadoo loo aaneenayo qiimaha Badeecadaha.

Mr Madeira ayaa ugu baaqday dowladda Britain inay raadiso xal kale oo lagu taageerayo Amisom, xalkaas oo ka imaanaya wadamada ku jira boqortooyada UK.

Tete Antonio, ergada Midowga Afrika ufadhiya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka ku wargaliyay in labo biloodka hor 20% la goostay mushaarkii lasiin jiray ciidamada Amisom.

Midowga Yurub oo bixiya mushaarka ciidamada Amisom ayaa sanad walba qarash gareeya lacag dhan $200 milyan.

Askariga howgalka Amisom katirsan ayaa hadda kadib bil walba qaadandoona lacagta dhan $828.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here