Midowga Yurub oo dhaqaalo hor leh ugu deeqaya howlgalka AMISOM

Midowga yurub ayaa maanta ku dhawaaqay in taageero dhaqaalo oo gaareysa 33 Milyan oo doolar ugu deeqaya howlgalka Ciidamada Afrika “AMISOM” ee dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu shegay, in taageerada cusub ay AMISOM u sahli doonto fulinta Mandate-ka, si ay Ciidamada u gaaraan 17,000 oo askari, ee QM u ogolaaneyso.

Taageerada Midowga Yurub ayaa dabooli doonta, dhinacyada gunada Ciidamada, howlgalada Booliska iyo waliba rayidka, iyo sidoo kale qiimaha ku baxaya howlgalka xafiiska QM ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale midowga Yurub ayaa sheegay in lacag dhan 25milyan oo EURO, ku bixin doono kaalmo ku aadan hagaajinta Cunada deegaamada maamul goboleedka Puntland, iyadoo dhinaca kale lala dagaalamayo Xaalufka iyo nabaad guurka deegaanka.

Midowga yurub ayaa dhowr mar waxay lacago farabadan ugu deeqeen howlgalka Midowga Afrika “AMISOM”ee Soomaaliya howlgalka u jooga, iyagoo sidoo kale tababaro joogta ah siiya Ciidamada iyo saraakiisha doowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here