Midowga Yurub oo dhaqaalaha ka taageeraya ciidamada dheeraadka ah ee AMSIOM

BRUSSELS — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in uu xaga dhaqaalaha ka saacidi doono ciidamada dheeraadka ah ee la filayo in lagu kordhiyo kuwa AMISOM ee haatan howlgalka ka wada Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in hada la diyaariyey qarashaad dheeraad ah oo loogu tala galay in lagu saacido ciidamada AMISOM si ay u riixaan xarakada AL Shabaab oo dhawaan si toos ah ugu biirtay ururka Al Qaacida.

Midowga Yurub ayaa ah isha ugu badan ee ay Soomaaliya ka hesho gargaarka caalamiga ah ee dhanka lacagta, waxaana ay siisay afarti sano ee lasoo dhaafay lacag dhan  €1 billion (hal bilyan oo Yuuro oo u dhiganta  ($1.3 billion)  hal  dhibic sadex bilyan oo doolar.

Sida ay warbixintu sheegeyso lacagahaasi waxaa lagu bixiyey dhinacyada amaanka, gargaarka bani,aadannimo iyo kobcinta xaga dhaqaalaha, waxa kale oo qeyb ka ahaa tababaro la siiyey ciidamada milatariga dowlada ee lagu soo tababaray dalka Uganda kuwaasi oo ahaa 1,800 oo horay loo carbiyey iyo qaar haatan lagu tababarayo Uganda oo gaaraya 1,000 askari.

Hadalka Midowga Yurub ayaa imaanaya xilli la filayo in Jimcaha soo aadan ay ansixiyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in laga dhigo ciidamada AMISOM ee hada jooga Soomaaliya 17,700 oo askari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.