Midowga Yurub oo $862 ugu yaboohay dib u dhiska Soomaaliya

Waxaa goordhow magaalada Brussels ee Caasimada dalka Belgium, ka furmay Shir loo qabtay dib-u-dhiska iyo horumarinta Somalia, kaas oo madaxda Somalia ay ka qeyb galayaan.

45

Midowga Yurub ayaa ugu yaboohay lacag gaaraysa $862 milyan qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga Reer Yurub Jose Manuel Barroso ayaa yabooha ka sameeyay shirka caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Brussels ee looga hadlayo sida loo xajin karo guulaha laga sameeyay Soomaaliya.

Gargaarka lacageed ee Midowga Yurub uu maanta ku yaboohay ayaa lagu taageeri doonaa qorshaha dib u dhiska Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota, sida uu sheegay Barroso.

Dhagayso wareysi ku saabsan shirka:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/09/shirka-brussels.mp3″]

“Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan ku yabooho 650 milyan oo Euro oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska Soomaaliya,” Barroso ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo xusay in lacagtan ay dheeraad ka tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya  tan iyo 2008.

Britian ayaa si gooni ugu dhawaaqday $79 milyan oo loogu gargaarayo Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here