Midowga Yurub oo 2015-ka ciidan utababaraya D.F Somaliya

ciidamada xoogaSaraakiisha ciidan ee tababarka siiya ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ay ka qabaan in sanada 2015-ka ay tababaraan ciidamo lamid ah kuwa ay sanadkaan ay tababareen balse waxa ay muujiyeen khatarta weli ka jirta Muqdisho oo ay tilmaamen in khatarta ay sii baaheyso.

Tababarayaasha Midowga Yurub ee Somalia ku sugan oo tiradooda ay tahay 128 sarkaal ayaa 11 koorso oo ay ku tababareen 1,150 askari Muqdisho ku qabtay, iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay 250-askari oo kale u soo xiraan tababar dhowr bilood u socday.

Todobaadyada soo aadan ayay saraakisha sheegen in ay tababar usoo gaba gabeen doonaan 250-askarta Soomaliya.

Sargaal saxaafada la hadlay ayaa sheegay in tababarayaasha ka socda Midowga Yurub hadafkooda uu yahay sanada 2015-ka in ay tababaraan 1,200askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here