Midowga Europe oo kordhinaya dhaqaalaha uu siiyo AMISOM

Ururka Midowga Yurub ayaa balan qaaday inuu kor dhinayo taageerada dhanka maaliyada ee uu hada siiyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM).

War kasoo baxay Eu ayaa lagu sheegay in la gaar siin doono 100 million oo euros ah ilaa 2013-ka, taasi oo ka badan dhaqaalaha ay hada ku saacidaan.

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale xoojin doono joogitaanka AMISOM ee Geeska Africa iyo Biyaha Badweynta India ilaa iyo 2014 si ay u ilaaliyaan qatarta argagixisada iyo burcad badeeda, sidaasi waxaa ku warantay wakaalada wararka China ee Xinhua.

Hadalka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa yimid kadib kulan ay magaalada Brussels ku yeesheen madaxa Golaha Yurub Van Rompuy iyo ra’isulwasaaraha dalka Kenya Minister Raila Odinga oo ka hadlay xaalada Soomaaliya.

“Waxaa jirta rajo soo ifeysa oo muujineysa in ay soo dhamaaneyso xaaladihi xumaa ee Soomaaliya ee soo jiitamayey in muda ah, marka beesha caalamka waa in aysan ka fara baxsan fursadaasi,” ayuu yiri Odinga.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ilaha ugu badan ee ay dhaqaalaha kasoo galaan ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa lagu wadaa in dhawaan lasoo kordhiyo lagana dhigo 17,700 oo askari, halka ay iminka yihiin 12,000 oo askari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.