Midowga Afrika oo soo dhoweeyay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya

Ambasasador Abubakar Diara oo ah u qaabilsanaha Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya oo ka hadlayey magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Tani waxay muujineysaa in Soomaalidu u diyaarsan tahay hanashada dowladnimo taam ah iyo soo celinta xasiloonidii iyo kala dambeyntii wadanka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusii daray mr Diara.

Ambassador Diyaara ayaa ka codsaday in lasoo dedejiyo soo xulisda xubnaha Baarlamaanka cusub islamarahaantaane si cadaalad loo la qabto doorashada afhayeenka baarlamanka iyo ku xigeenadiisa iyo waliba tan Madaxweynaha Soomaaliya oo haatanba qaban qabadoodu ka socoto magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here