Midowga Afrika Oo Haweeney Udoortay Gudoomiye

Ncosazana Dlamini-Zuma oo kasoo jeeda wadanka Koofur Afrika ayaa noqoneysa haweeneeydii ugu horeesay ee noqota madaxa midowga Afrika, kadib markii ay shalay madaxda midowga Afrika ee kushirsan adis-ababa udoorteen jagadaas

Dlamini- Zuma ayaa ka guuleeysatay jean ping oo ahaa gudoomiyiihii hore ee midowga Afrika.kana soo jeeda wadanka Gabon.

Dlamini- Zuma waa haweeneeydii horee ee madaxweynaha dalka koofur Afrika Jacob-Zuma,Sidoo kale waxay xilal farabadan kasoo qabatay koofur afrika sidookale waxay noqotay mar wasiirka arimaha gudaha.

Dadka wax taxliiliya ayaa doorashada Dlamini- Zuma u arka ineey tahay mid jabineysa xeerka uyaala doowladaha Afrika kaasoo aanan ogolaaneen in haweeneey ay qabato jagada gudoomiyenimada ee midowga afrika.

Dlamini- Zuma iyo Jean Ping oo bishii hore January kutartamay jagadan ayaa labadooduba midna helin codadkii loo baahnaay waxaana loo baahdaay in markale dib la’isugu celiyo

Dlamini ayaa ugu danbeyntii shalay loo doortay gudoomiyenimada midowga afrika kagadaal markii ay heshay codadkii loo baahnaay sidaas ayayna ku noqonee haweeneeydii ugu horeesay ee qabata jagadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here