Midowga Afrika iyo AMISOM oo cambaareeyay qarixii Liido

Midowga Africa iyo taliska AMISOM ayaa cambaareeyay qarax loo adeegsaday gaari oo shaley ka dhacay maqaaxi ku taalla xeebto Liido ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan ilaalada maqaayada.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa qaraxa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo lagu bar-tilmaameedsaday dad rayid ah.

“Weerarrada noocan oo kale ah waxay caddaynayaan in kuwa argagaxisada ah aanay daryeeleyn nolosha shacabka Soomaaliyeed. AMISOM waxaa ka go’an caawinta ciidanka ammaanka qaranka Soomaaliyeed si ay u horumariyaan ammaanka muwaaddiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Annadif.

Danjire Annadif wuxuu tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada dadka wax ku noqday weerarka wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyay raysasho deg-deg ah

Sidoo kale waxaa qaraxaas cambaareeyay taliska howgalka Midowga Afrika ee, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay u tababareen dab-damiska ay si dhaqso ah halkaas ku gaareen, ayna la dagaalameen dabkii qaraxa ka dhashay.

“Weerarkan oo kale wax dhibaato ah kuma keenayo noloshada caadiga ah ee shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Maxamed Anaadiif oo mar kale ku tilmaamay weerarkan mid fulaynimo ah. Isagoo intaas ku daray: “Ciidamada AMISOM waxaa ka go’an inay kala shaqeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed.”

Ma jirto cid sheegtay qarixii shaley, laakin waxaa inta badan maqaayada la weeraray imaan jiray qurba joog, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here