Midowga Africa Oo Waxbo Kamajiraan Kutilmaamay Warbixintii Monitoring Group

Gudoomiye kuxigeenka Midowga Africa Wafulu Wmunyinyi  oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu kaga hadlay arimo farabadan oo quseeya Somalia, Wafulu ayaa kahadlay warbixin ay maalmo kahor soo saartay gudiga QM uqaabilsan lasocodka xaaladaha dalka somalia “Monitorin Group”.

Wafulu Wmunyinyi  ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid aan sax ahayn waxa uuna sheegay in Doowlada Kmg intii ay jirtay ay qabatay waxyaabo badan, Wafulu Wmunyinyi  ayaa QM ugu baaqay in marka hore ladhiso hay’adaha doowlada kdibna lala xisaabtamo, sidookale waxa uu sheegay ineey jiraan doowlado Somalia kahormarsan islamarkaasna uu dilooday musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Wafulu Wmunyinyi ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaaashaandhiga iyo hay,adaha kale ee ammaanka ay kala hadleen sidii tallaabo looga qaadi lahaa dadka carqalada ku ah sida uu sheegay hanaanka geedi socodka nabadda Soomaaliya.

ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inaan loo dulqaadan doonin dadka carqaladeynaya ka gudbida marxalada kala guurka ee Soomaaliya,isaga oo tilmaamay inuu dhamaaday doorkii qaswadayaasha ay ku lahaayeen siyaasada Soomaaliya.
Gudiga QM uqaabilsan lasocodka xaaladaha dalka Somalia ayaa warbixin aad u dheereeyd ay soo saareen waxaa ku qornaa in masuuliyiinta ugu sareeysa Doowlada KMG ay lunsadeen lacago farabadan iyadoo shalay madaxweyne Shiikh Shariif mar uu kaqeyb galayay xaflad uu kushaacinayay inuu utaaganyahay doorashada madaxtinimada waxa uu aad ubeeniyay eedeeynta gudigan waxa uuna kutilmaamay waxbo kamajiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here