Midowga Africa oo wada qorshe ciidanka Amisom looga dhigayo 17,000 oo askari

Shir ay shalay ku yeesheen magaalada Adis Ababa shanta wadan ee hada ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa laga soo saaray in la dar dar geliyo dagalaada ka dhanka ah Al Shabaab.

Wasiirada difaacada shan wadan oo ku yaala Geeska Africa ayaa kulankoodii shalay waxay kaga hadleen dagaalada hada ka socda Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu riixo Xarakada Al Shabaab.

Wasiirada ayaa isku raacay in ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee hada jooga Soomaaliya laga dhigo 17,700 halka qorshihi hore uu ahaa 12,000, kadibna loo gudbiyo kulanka Golaha Amaanka ee todobaadka soo aadan.

Madaxa Amaanka iyo Nabdgalayada Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa sheegay in qorshahaan uu horu dhac u yahay guulaha ay ciidamada Afircaanka soo hooyeen gaar ahaan guushi ay ciidamada Itoobiya ka gaareen dagaalki Baladweyne ee Sabtidi lasoo dhaafay iyo ciidamada dowlada.

Wasiirada ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in ay xoojiso dhaqaalaha ay ku bixineyso howlgalka AMISOM iyo istaraatiijiyada cusub ee dagaalka wajiga labaad ee lagu sifeynayo Al Shabaab.

Ciidamada dheeraadka ah ee Amisom rabto in lagu soo kordhiyo Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ayba hada joogaan kuwaasi oo ka imaan doona dalalka Kenya iyo Itoobiya oo mar hore ciidankoodu dalka soo galeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.