Midowga Africa oo Usoo Guuraayo Muqdisho (Warsaxaafadeed)

(Talaado, Desember, 18, 2012 Muqdishu, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magaacwday Soomaaliya Mudane Ambassador Annadif Mohamat Salah.

Danjiraha ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka  ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay , talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya. Halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu  baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta  Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda Soomaaliya.Tiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here