Midowga Africa oo ugu baaqay qurba-joogta Soomaalida in ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska dalka

Sida uu qoray Jimcaha maanta ah, wargeyska The New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ugu baaqay qurba-joogta Soomaalida inay ka qeyb-qaataan dib-u-dhiska dalkooda, xilli uu hadal ka jeedinayay kulan ay qaban-qaabisay AMISOM oo jaaliyadda Soomaalida ee London ay ka qeybgashay.

Annadif ayaa sheegay in horumar dhinacyo badan ah ay ka jiraan gudaha Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in qurba-joogta ay gacan xoog leh ka gaysato horumarinta dalka.

“Kulankan waxaa loogu talagalay in lagu ogaado dhinacyo macquul ah oo ay kuwa ku nool qurbaha gacan kaga gaysan karaan siyaasadda horumaraysa iyo xaaladda amni ee Soomaaliya. Horumar badan ayaa ka jira dalka, waxaana laydinkaga baahan yahay inaad gacan ka gaysataan. Waxaan sidaas darted idinka filaynaa wax badan.” Ayuu yiri Annadif.

Cali Caamir oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa AMISOM ku ammaanay doorka ay ka qaadatay xasilinta Soomaaliya, isagoo xusay in degenaanshaha hadda jira uu yahay natiijada dedaal dheeri ah oo ay ciidamada qaran ee Soomaaliya iyo AMISOM iska kaashadeey, iyagoo gacan ka helaya Beesha Caalamka.

Si kastaba, hadalka danire Annadif ayaa ku soo beegmaya iyadoo QM ay sheegtay shaley in AMISOM  tan iyo sanadkii 2007-da kaga geeriyoodeen 3000 oo askari, sidaasna waxaa dadka wararka fidiya ugu sheegay Lonodn ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Jan Eliasson.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here