Midowga Africa oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dilka saxafiyiinti Muqdisho lagu dilay

Ururka Midowga Africa ayaa ka dalbaday Dowlada KMG Soomaaliya in ay baaritaan rasmi ah ku sameyso dilal Axadi Muqdisho loogu geystay laba wariye.

Boubacar Diarra oo ka mid ah saraakiisha ugu sareyso Midowga Africa ayaa sheegay inuu AU-da ay aad uga wal walsantahay dilalka iyo weerarada lagu hayo wariyaasha Soomaaliyeed.

Wuxuu ka dalbaday Dowlada waqtigeedu sii dhamaanayo in ay wax ka qabato arrimahaasi isla markaana ay cadaalada hor keento kooxaha ka danbeeyo.
Axadi ayaa siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay laba wariye oo kala ahaa Yuusuf Fareey iyo Maxamuud Buneeste kuwaasi oo midna ay dileen rag hubeysan, ka kalana ku dhintay rasaas ka timid ciidamada dowlada.

“Dowlada Soomaaliya waa in ay baartaa dilalkaasi isla markaana ay cadaalada keentaa kuwa ka danbeeya danbiyadaasi,” sidaa waxaa yiri Boubacar Diarra oo ah mid ka mid ah madaxda Midowga Africa

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in ay gacan ku siiyaan baaritaanka dadka ka danbeeya dilalkaasi iyo sidi loo soo qaban lahaa.

Sidoo kale, waxaa cambaareeyey falalkaasi dilka ahaa Wakiilka UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, oo dalbaday in baaritaan buuxa la sameeyo.

Wuxuu sheegay in dilalka saxafiyiinta ay yihiin kuwo aanan la aqbali karin isla markaana ah nacasnimo, isaga oo tacsi u diray dhamaan dadki lagu dilay dalka iyo wariyaasha dhaawacan.

Somalia iyo Syria ayaa sanadkaan noqday dalalka ugu badan ee lagu laayo wariyaasha, waxaana lagu dilay labadaasi dal ku dhawaad 20 saxafi sanadkaan oo qura.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here