Midowfa Africa oo Soo Dhoweeyey Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Midowga Africa ayaa soo dhoweeyey doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya.

Ku xigeenka Wakiil gaarka ah ee Midowga Africa Wafula WMayiye oo xalay goob joog ka ahaa doorashada ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ayaa si weyn u soo dhaweeyey doorashada Proff. Xassan Sheekh Maxamuud.

Wafula ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday si qurux badan oo cadaalad ay ku jirto ayna si weyn u soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guulestay Xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya.

Ku Xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa ayaa xusay in dadaalkii dheeraa ee la soo waday mudo uu hada mira dhalay Soomaaliyana ay ka gudubtay KMG-nimo oo ay ku soo jirtay laga soo bilaawo 2004-tii.

Ku xigeenka Wakiil gaarka ah ee Midowga Africa Wafula WMayiye iyo xubno kale oo katirsan Midowga Africa ayaa xalay waxay goob ka ahaayeen doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here