Mid kamid ah shaqaalaha safaarada Turkiga oo Muqdisho lagu diley

Nin ku hubeysnaa qoriga Ak47 xirnaana dareeska ciidamada ayaa gelinkii dambe ee maanta ku toogtay isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho mid kamid ah shaqaalaha soomaalida ee ka shaqeynayaya safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Ninkan oo sida la sheegay ahaa tarjubaankii safiirka u fadhiya Soomaaliya dowlada Turkiga lana oran jirey  Yuusuf Xuseen ayaa udhintey dhaawacyadii ka soo gaarayrasaastii lagu dhuftay.
C/weli Maxamed Caraalle oo ah taliyaha ciidanka Ilaalada safaaradda Turkiga ayaa saxaafaddau xaqiijiyey dilka tarjubaankii safiirka Turkiga waxana la sheegay in ninkii dilka geystey uu goobta ka baxsaday.

Ma jiro wax fahfaahin ah iyo sababta rasmiga ee ka danbeeysa dilka marxuumka iyadoona la sheegey inuu lahaa Ilaalo isaga la socatey.