Mid kamid ah saraakiisha maamulka degmada Wadajir oo la diley

Mid kamid ah madaxda waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado waxa ay ku dileen saaka meel ku dhow gurigiisa.

Sarkaalkan ka tirsanaa mas’uuliyiinta degmada Wadajir ayaa rasaasta loogaga dhuftay madaxa sida ay sheegeen dad eheladiisa ah isla markaana uu u dhintey rasaastii ku dhacday.

Kooxihii ka dambeeyey dilka sarkaalkan ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxana uu noqonayaa dilka sarkaalkan mas’uulkii afarad ee ka tirsan maamulka degmada Wadajir ee lagu dilo magaalada Muqdisho.

Xaalada ammaanka degmada Wadajir ayaa ka soo roonaanaysay toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo ciidamada dowlada ay howlgalo ka fuliyeen degmada Wadajir.

Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa bilaabay baaritaano ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan raggii ka dambeeyey dilka loo geystey sarkaalkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here