Mid kamid ah Ragii ka danbeeyay Qaraxyadii Safaaradaha Kenya iyo Tanzania oo la qabtay

Abu Anas Al-libya
Abu Anas Al-libya

Mareeykanka ayaa sheegay ineey gacanta ku dhigeen Abu Anas Al-liby, oo kamid ah Saraakiisha ugu sar sareysa Al-qacida, waxaana lagu qabtay Howlgal ay Ciidamada Sirdoonka ka fuliyeen wadanka Libya.

Afhayeen u hadlay wasaarada Difaaca Mareeykanka ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka Mareeykanka ay Abu Anas ku qabteen meel kamid ah Caasimada Libya ee Tripoli, waxana uu sheegay in haatan lagu haayo meel aamin ah oo kamid ah wadanka Libya.

Al-liby oo 49 sano jir ah ayay Mareykanku ku tuhunsanyihiin inuu qayb weyn ku lahaa qorshihii lagu qarxiyay Safaaradaha Mareeykanka uu ku lahaa wadamada Kenya iyo Tanzania, sanadkii 1998.

Washington ayaa Al-liby madaxiisa dul dhigtay lacag dhan $5 million, si loo soo qabto ama loo dilo, waxaana uu kamid yahay ragga ay FBI-da Mareeykanka ugu doon doonista badanyihiin Caalamka.

Qaraabada Abu Anas Al-liby ayaa xaqiijiyay in lagu qabtay Caasimada Tripoli.

Nin la dhashay Al-liby ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in walaalkiis la qabtay xili uu saarnaa Baabuur hor yiil Gurigiisa Salaadii Subax kadib, ninkaan la dhashay Al-liby ayaa sidoo kale sheegay in Baabuurka uu saarnaa lagu hareereeyay 3 Baabuur,dabadeedna Miraayadaha Baabuurkiisa lagu jajabiyay Rasaas kadibna laga soo dajiyay oo la kaxeystay.

Sidoo kale Xaaska Al-liby ayaa sheegtay in xiliga la qabanayay ninkeeda ay ka daawanaysay Daaqada Guriga, waxayna sheegtay in Ragga qabtay ay ahaayeen Ciidamo Kumaandoos oo Ajnabi ah.

In kabadan 220 qof ayaa ku dhimatay Safaaradihii la qarxiyay ee uu Mareeykanka ku lahaa wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998
In kabadan 220 qof ayaa ku dhimatay Safaaradihii la qarxiyay ee uu Mareeykanka ku lahaa wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998

Al-liby ayaa la aaminsanyahay in dalka Libya uu ku soo laabtay Sanadkii 2011 markaasoo qalalaaso wadanka ka bilaawdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here