Mid kamid ah raggii weeraray Liido oo nolosha lagu qabtay

Ciidamada Nabadsugida (NISA)
Ciidamada Nabadsugida (NISA)

War qoraal ah oo ay Hay’ada Nabadsugida soo dhigtay Bogeeda Twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in saakay lasoo afjaray weerarkii ay rag Al-shabaab ka tirsan xalay ku qaadeen maqaayadaha ku teedsan Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka NISA, waxaa lagu sheegay in nolosha lagu qabtay hogaamiyihii weerarka Liido, sidoo kale afhayeenka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in nolosha lagu qabtay Hogaamiyihii Al-shabaab ee horkacayay weerarka.

Waxaa xusid mudan in ay noqoneyso markii ugu horeeysay ee ay ciidamada NISA nolosha ku qabtaan dagaalyahan Al-shabaab katirsan oo weerar is-miidaamin ah soo qaaday.

1 COMMENT

  1. Inaa lilaahi wa inaa ilaahay raajicuun.  Waa arin naxdin leh weerarkii Naftii halignimo ee dhibaatada dhimasho & dhawaaacba leh geystay ee xalay  ee xalay ka dhacey beach view.

    Waxaan leenahay Alle uga baryeynaa Maanta oo ah maalin jimco ah in rabbi naxariistiisa janno ka waraabiyo DHAMAAN Shacabkii Soomaaliyeed ee ku dhintay,  inta dhacaawa ahna alle waxaan uga baryeynaa inuu cfimaad deg deg ah siiyo.. aamiin aamiin

    Intaaasi kadib waa nasiib wanaag mar haddii ay dowladda ganacta ku dhigtay Dambiilayaasha ka dambeyey musiibadda ka dhacdey beach view.

    Waa in baaritaan rasmi ah lagu sameeya sababta keentay dhibaatada meesha ka dhacdey & cida ka dambeyso.. Dhamaantoodana ( Dambiilayaasha ) aan aduun & aakhiro wax wanaag ah rabina,  Waa in la horgeeyaa CADAALADDA, laguna qadaa wixii dambi ah oo ay ka galeen shacabka Soomaaliyeed.

    Weerarada noocaani ah  ee soo noq noqda waa in xal waara laga gaaraa, si loo xaqiijiyo Nabadgelyadda & xasiloonidda Soomaaliyadda cusub..

    looma baahna in waqti la siiyo dambiilayaasha &  calooshood u shaqeystayaasha lidka ku ah Nabadgelyadda & horumarka wadanka. Waxa hubaal ah ah ee lacag laga soo siiyayo ( ururo,shirkado,dowladdo iwm ) kale si ay dalka uga dhigaan Dal aan amaan ahayn. Waa in si wada jir ah loo fashiliyaa  ARGAGIXISADA & CIDA NAASNUJINEYSA, CIDEY DOONTABA HA AHAATEE..qorshahooda guracan & mid hagar daamo oo ay ku damacsan yihiin iney ku qal qalgwliyaan Nabadda & xasilonida wadanka..

    Dalka waxa uu u baahan yahay dhaqan gelinta SHARCIYO ADAG  ( terrorism law), kaasi oo Ganac bir ah oo aan naxariisi ku jirin u  xakameeyo dambiilayaasha argagixisadda ah, qaswadayaasha  caalamiga ah ee damacsan iney xasilooni darro ka abuuraan Dalkeena.

    Waa muhiim in laamaha amniga ee wadanka in MUDNAANTA & AHMIYADDA 1-aad, 2-aad & midka 3-aad ba siiyaan, XAKAMEYNTA FALAKA LIDKA KU AH XASILOONIDA WADANKA, isla mar ahaanta ay HABEEN & MAALINBA shaqo ka dhigtaan.BOOCAASHADDA & SOO QAQABASHADDA DAMBIILAYAASHA KU DHEX JIRO WADANKA GUDAHIISA.  Waa muhiim in la badayo dabagelidda,soo qaqabashadda & maxkamadeyta Damiilaayasha falalkooda guracan ee argagixiso ka wada caasimadda muqdisho & guud ahan aadanka Soomaliya…ka hor inta aysan WAXYEELO SOO GAARIIN SHACAB SOOMAALIYEED.

    Sdoo kale waa muhiim in dalka laga dhaqan geliyi Sharci  ADAG OO ciqaabo ARGAGIXISADA, isla mar ahaanta XAKAMEYO DAMBIILAYASHA AAN WAXBA KA FAHAMSANEYN NOLOSHA SAXDA, MID ISLAANIMO  & MID BENI AADANIMO INTUBA.

    WAA IN SI WADA JIR AH LOO DIIDAA IN DAMBIILYAASHA JIRKA SOOMALIGA KA AH, BALSE QULUUBTOODU AY MAR HABAABSAN TAHAY IN SOOMALIYA AY KA DHIGAAN WADAN AAN  XASILOONI & AMAAN MIDNA KA JIRIN..

    UGU DBEYNTII WAA IN LA OGAADAA HADDII AY DOWLADDO KALE KU LUG LEEYIHIIN ARINTAANI..sababtoo ah waxa suuro gal ah ama dhici karta iney si hoose u hagayaan, weeraradda qorsheysan dowladdo, ganacsato ama ururo lid ku ah dalka Soomaliya.

    falalkaan amoo si fiican u ciqaabaya dambiilayaasha, hantidoodana siinayo dhibana
    Soomaaliya wey ka guuleysanaa Argagixiso,qaswade & dambiile kasta oo isku daya inuu wax u dhimo amniga & casiloonidda wadanka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waa ku mahadsan tahay sida dhasiyaha leh oo ay uga fal celisay.. kuna xakameysay weerarkii fuleynimo ee lagu bartil maameedsadey beach view.  Waxaa sidoo kale ku mahadsan laamaha amniga wadanka oo habeen & maalin u soo jeeda, waqti & dadaal badana geliya in fashilinta cadowga umadda Soomaaliyeed. Cidkasta oo nabadda & wanaaga diidan waa in meel looga soo wadajeesta, ganactana la qabta waqti hore inta aysan shacbka soomaliyeed u horseedin halaag aduun & aakhiro seeg ah.

    Dhalinyaradda ha la siiyo wacyi nololeed & mid aqooneed ee ku filan si kaalintooda la xiriirto NABADGELYADDA wadanka ay u buuxiyaan, iyagana naftooda & midka waalidkoodaba wax u taraan,

    waa in dhalinyarada laga bad baadiyaa fikraddahaasi qaldan ee ah AAN ISLA HOOGNO OO HAAWANO DHAMANTEEN YUUSAN YAAN HALKEEN HARIN.. fikirkaasi oo sabab u noqda marar badan dhimasho,dhaawac & bur bur hanti qof Soomaali ah leeyahay.

    Kaalinta dhalinyarad ee amniga wadanka waa iney noqotaa mid waxtar u leh Dalka soomaaliya si ay kaga qeyb qataan Nabadgelyadda & xasiloonidda Somaaliya.

    Wabilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here