Mid kamid ah eedeeysanayaasha qaraxyadii Boston Marathon oo la dilay Sawiro

Booliska magaalada Boston ayaa xooga saaraya raadinta mid kamid ah labadii nine e lagu tuhunsanaa, qaraxyadii ka dhacay Orodkii Boston.

Booliska magaalada Boston ee gobolka Massachusetts, ayaa dilay mid kamid ah eedeeysanayaashaas, kadib markii ay rasaas is weeydaarsadeen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahineysa labada nin ee laga shakisan yahay inay yihiin walaalo ka soo jeeda Chechnya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ninkii xirnaa koofida cad ee sawiradii shalay la baahiyey ka muuqday looguna yeerayey “Eedeysanaha labaad” uu yahay midka ay booliisku ku raadjoogaan.

Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu hubeysan yahay uuna qatar ku yahay ammaanka, iyagoo ugu baaqay dadka deggen degmada Watertown iyo nawaaxigeeda inay guryahooda ku jiraan, albaabadooda aaney ka furin cid aan booliiska aheyn, iyagoo wada baaritaan ay guri walba ku baarayaan.

Warbaahinta NBC ayaa tabineysa in labada nin ay yihiin walaalo ayna ka soo jeedaan wadanka Chechnya. Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegeysa in ay ka soo jeedaan gobal ka mid ah Russia oo ku dhow Chechnya. Wargeyska The New York Times ayaa warinaya in mas’uuliyiintu ay rumeysan yiniin labada la tuhmayo ay yihiin Chechen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in walaaluhu ay dalka Mareykanka si sharciya ku daganaayeen, welina la baadigoobayo Dzhokhar Tsarnaev oo 19 jira, ahna ninka labaad ee lagu tuhmayo qaraxa Boston Marathon.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in labada nin ee lagu tuhmayo qaraxii Boston ay gaariga ka soo tureen walaxaha qaraxa iyadoo uu booliisku daba joogay ilaa ay galeen degmada Watertown.

Ma jiraan warar cadeynaya qaabka loo qabtay eedaysanaha koowaad ee sawirada ay baahisay FBI-du ay muujinayeen inuu watay koofida madow. Saraakiisha ayaa sheegay inuu si xun ugu dhaawacmay is rasaaseyntii booliiska iyo eedeysanayaaasha, ka dibna uu dhintay markii isbitaalka la geeyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here