Mid ka mid ah Xisbiyada siyaasada oo sameeyay tallaabo looga baahnaa Dowladda Hoose ee Xamar+Sawirro

Inkastoo Caasimada Muqdisho xilligan ka jiraan is bedelo dhinaca horumarka ayaa waxaa mudadii is bedelada laga dareemayay magaaladu ay gashay saxmad, haba ugu badnaatee gaadiidka, ciriiriga wadooyinka oo mararka qaar gaadiid badan ku kulmaan wadooyinka, kadibna saacado ay qaadato inay ku furmaan, ayaa hadana waxaa taas ugu darsoomay wadooyinka oo noqday kuwo biyo fariisin ah, bulaacadihii biyaha geli jireen ay noqdeen kuwo xirmay.

Wadada ilqabatinka Muqdisho xilligan ayaa ah laga soo bilaabo Madaxtooyada ilaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waa halka ay isticmaalaan Madaxda dowladda, gaadiidka ciidamada AMISOM, iyo gaadiidka caadiga ee dadweynaha, waa halbowlaha wadooyinka isku xira Muqdisho, sida Isgoyska KM4 oo ah isgoys isku xira ilaa afar wado oo muhiim u ah isu gooshida inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xilligan oo lagu jiro xagaaga ayaa roobabka ka da’aya Caasimada ay saameyn ku yeesheen isu socodka wadooyinka, oo noqday kuwo ay biyaha fariistaan.

Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa fariistay biyo badan oo sababay in gaadiid badan ay isticmaali waayeen, isla markaana ka soo wareegta wadooyin kale oo qarda-jeex ah.

Xisbiga Nabada iyo Horumarka PDP oo ka mid ah asxaabta siyaasada ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo looga baahnaa Dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii olole uu biyo qaadis ku sameynayay ka bilaabay wado biyo fariisin noqotay, gaadiidkana ku adkaatay inay isticmaalaan.

Ololahan oo ay ka qeyb qaadanayeen Howl wadeenada Xisbiga iyo Gaari Booyad ah, ayaa waxay biyaha kaga dhaaminayeen baaldiyo, halka tubooyinka booyada, ay biyaha ka dhuuqeysay, halkii biya fariisinka aheyd ee wadada ay ka kala go’day.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka PDP, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ahna musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo hor-boodayay ololaha biyo qaadista, ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen markii ay arkeen saameynta dadka iyo gaadiidka uu ku yeeshay biyaha wadada fariistay, isla markaana is xilqaankooda uu ahaa mid ay bulshada reer Muqdisho ugu muujinayeen in qof walba uu bilaabo iskaa wax u qabso.

Prof. Xasan Sheekh ayaa sheegay in marka ay biyaha qaadaan, ay sameyn doonaan inay tubooyin furaan, si ay u geyso biyaha bulaacadiaha, isla markaana aanay mar dambe u dhicin in wadooyinka Caasimada ay biyo u xiraan.

Ururada Bulshada rayidka, Haweenka iyo dhalinyarada ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay qaadeen Xisbiga PDP, iyagoo xusay in kaalintaas dhankooda ay ku dhiira gelisay inay muujiyaan dareenkooda ku aadan in bulshada qeybaheeda kala duwan ka qeyb qaataan ololaha biyo qaadista wadooyinka noqday biyo fariisidka, si dadka iyo gaadiidka loogu furo.

Intii uu socday howlaha biyo qaadista, ayaa waxaa wadada marayay Kolonyada Ciidamada AMISOM, gaadiid xamuul ah, halka dadkana ay gidaarada qabsanayeen oo wadada darafkeeda marayeen, si aanu biyaha u gaarin.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay furi doonto bulaacadihii biyaha tagi jireen iyo tubooyinka biyaha qaada, inkastoo aan wali ka soo bixin tallaabadaas, hadana waxaa jira wadooyin badan oo u baahan in dib u dhis lagu sameeyo, si aanay biyaha u fariisan.


By Shador Haji