Mid ka mid ah salaadiinta ugu caansan Puntland oo si heer sare ah Mudisho loogu soo dhaweeyey + Sawiro

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah salaadiinta ugu caansan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Islaan Bashiir oo maanta ka soo kicitimay Magaalada Galkacyo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, Wasiiro ka tirsan xukuumada, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, iuo Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Islaan Bashiir ayaa markii uu ka soo degay garoonka uu ku tallaalay Geedka Nabada, isagoo ku tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hanaanka dowladnimo ee hada socda.

“Ugu horeyn waan idin salaamayaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, wuxuuna imaatanka yagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaalada soconayo ee lagu doonayo in dowladd Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimadeenii aad baan ugu faraxsanahay imaatinkeeda”.

Sidoo kale Islaanka ayaa xusay inuu ka qeybqaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka inaan xoojiyo maantana ay noqoto maalin midnimo, maalin Israax, Iscafin islamarkaana ee noqoto maalin aynu soo cesheno sumcadeenii iyo Sharaftii Soomaaliyeed.

Marka loo eego sida ay Dowladda ahmiyad u siisay soo dhoweyntiisa ayaa hadana waxaa si gaar ah u muuqanaya khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ee ku wajahan arrimaha Dastuurka, kadib markii odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Puntland ay Talaadadii la soo dhaafay isaga baxeen shirka, dibna ugu laabteen Garowe.

Laakiin arrintan waxay si gaar ah u muujineysa sida Xukuumada C/wali Maxamed Cali uga go’an tahay ansixinta barnaamijka Dastuurka, iyo sidii doorka Odayaasha ku leeyihiin ay miisaankooda u muujin laheyd, waxaana Islaanka lagu tiriya hogaamiyaha ugu awooda badan xaga dhaqanka ee deegaanada Puntland, halka dadka qaarna ay leeyihiin hadiiba Islaanka dowladda ku guuleysatay inay Muqdisho ay keento, inay ka kaaftoomi karaan odayaashii gadoodka ku baxay.