Mid ka mid ah kooxaha ka dhisan Gaalkacyo oo Muqdisho soo gaartay

Xuquuqda Sawirka By GOAL FM
Xuquuqda Sawirka By GOAL FM

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaartay mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee ka dhisan magaalada Gaalkayo ee gobalka Mudug.

Kooxdan oo lagu magacaabo COMSED, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku sugayeen mas’uuliyiin ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo dadweyne kale.

Kooxda waxaa kaloo la socda mas’uuliyiin ka socota xiriirka kubadda cagta Puntland iyo tabarayaal, waxaa galabta daawadeen kulan dhexmaraayay

Maamulka Kooxda COMSED oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen cayaaro saaxibtimo oo ay la qaadan doonaan kooxaha Elman iyo Dekedaha oo ka mid kooxaha heerka koowaad ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay doonayaan in kor loo qaado cayaaraha dalka, oo la badiyo in kooxaha ay cayaaro saaxibtinimo u tagaan magaalooyinka dlaka si loo helo cayaartoy muhiim ah oo safta xulka qaranka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here