Mid ka mid ah dadki ku dhaawacmay qaraxi Tiyaatarka oo xalay geeriyooday

Waxaa sii kordhay tirada dadki ku dhintay weerarki ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Qofkaan oo ahaa sarkaal laba xidigle ah kana tirsanaa ciidanka dowlada ayaa ku dhintay isbitaal ay ciidanka Amisom ku leeyihiin xerada Xalane.

Tirada dhimashada ayaa iminka mareyso 10 ruux oo ay ku jirto gabadhi isku qarxisay shalay Tiyaatarka.

Dhanka kalana dhaawacyada saraakiisha dowlada ayaa lagu dabiibayaa xarunta Xalane ee ah saldhiga ugu weyn ciidanka Amisom ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawaca xildhibaan Mowliid Macaani uu yahay kan ugu daran sida aan wararka ku heleyno.

AL Shabaab ayaa sheegay in weerarki shalay uu ahaa mid ay meesha kusii diyaariyeen, isaga oo beeniyey in qaraxa ay fulisay qof dumar ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.