Meydka wiil dhalinyara ah oo laga helay Xamar Jadiid

Dadka xaafada Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay meydka wiil dhalinyara ah oo lasoo dhigay meel wadada dhinaceeda ah.

Meydka wiilkaan ayaa waxaa ka muuqda rasaas kaga taalo madax iyo qeybaha kale ee jirkiisa, waxaana da,diisa lagu qiyaasay 25 jir.

Goobjogayaal ayaa sheegaya in rasaasta lagu dilay ay maqleen xalay saqdi dhexe, sidoo kalana kooxihi dilay ay soo wateen kadibna ku toogteen halka meydkiisa lasoo dhigay.

“Walaaloow waa wiil dhalinyara ah oo da,diisu aan ku qiyaasnay 25 jir, wuxuu wataa funaanad cad iyo sirwaal jeenis ah,” sidaa waxaa yiri goob jooge lagu magacaabo Daahir.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa kusoo badanayey maalmahan magaalada Muqdisho, waxaana tani ay cabsi gelineysaa dadka Muqdisho oo haatan rajo weyn ka qabo nabad waarta in ay helaan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.